Maqaallada
Muqdisho oo habeenkii ka ammaan badan Caasimadaha Caalamka qaarkood
Daraasad Cusub : Soomaaliya ayaa kaalinta koowaad ka gashay dareenka badbaadada habeenkii ee dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika.

Xayeysiis
Warbixinta Global Safety Report ay soo saaartay ayaa lagu shaaciyay 17-kii Nofeembar 2026-ka ayaa Soomaaliya siisay 74% dareenka badbaadada Muwaadiniinta marka ay habeenkii kaligood socdaan, taasoo ka dhigaysa dalka ugu sarreeya dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika, kana sarraysa celceliska caalamka oo ah 69%.
Dalalka ay Soomaaliya ka hor martay waxaa ka mid ah Ruushka (72%), Ingiriiska UK 🇬🇧 (71%), Faransiiska (71%), Hindiya (71%) iyo Australia (64%), halka Shiinuhu uu la mid ahaa (74%).
Dhanka Law and Order Index, Soomaaliya waxay heshay 75 dhibcood (celceliska caalamku waa 80), taasoo muujinaysa in qiimaynta amniga aysan ku koobnayn colaadaha oo keliya, balse ay muhiim tahay badbaadada nolol maalmeedka shacabka.
Haddaba sida ay muujineyso warbixinta ciwaankeedu yahay Gallup Global Safety Report 2026 oo ay soo saartay hay'adda cilmi-baadhista ee Gallup ayaa sheegtay Soomaaliya in ay Gaartay natiijo weyn dhanka nabadgelyada amaanka shakhsiga ah.
Boqolkiiba 74% dadka ku nool Soomaaliya ayaa ku warramay inay dareemaan nabadgelyo marka ay kaligood socdaan habeenkii xaafadahooda. Natiijadan waxay Soomaaliya ka dhigtay mid ka sarreysa celceliska dunida oo ah 69%, iyadoo sidoo kale hoggaaminaysa dhammaan waddamada Gobolka Afrikada ee la isku yiraa wadamada Saxaraha ka hooseeya (Sub-Sahara).
Natiijadan ayaa muujinaysa inay Soomaaliya ka sarramartay waddamo waaweyn oo kuwa reer galbeedka ah iyo kuwa gobolka ah dhanka dareenka nabadgelyada deegaanka.
Bal aan eegno sida lagu muujiyay kala sarreynta qiimeynta:-
1.Soomaaliya (Boqolkiiba 74%)
Ruushka (Russia): 72%
Tansaaniya (Tanzania): 72%
Boqortooyada Midowday (UK): 71%
Faransiiska (France): 71%.
Israa'iil (Israel): 70%
Maali (Mali): 70%
Neyjer (Niger): 68%
Awstaraaliya (Australia): 64%
Yukrayn (Ukraine): 64%
Moorishiyaas (Mauritius): 62%
Ghaana (Ghana): 61%
Nayjeeriya (Nigeria): 60%
Turkiga (Türkiye): 57%
2. Waddamada Gobolka iyo Deriska:
Kiiniya (Kenya): (Waxay leedahay heer ka hooseeya dhanka socodka habeenkii iyo tusmada sharciga)
Ugaanda (Uganda): (Waxay leedahay heer ka hooseeya dhanka socodka habeenkii)
Itoobiya iyo Jabuuti: (Waxay ku jiraan heerka celceliska gobolka oo ah 54%)
3. Waddamada ugu hooseeya Dunida (Ugu Cabsida Badan Habeenkii):
Saambiya (Zambia): 44%
Sera Lion (Sierra Leone): 44%
Jamhuuriyadda Demuqraadiga ee Kongo (DRC): 44%
Laybeeriya (Liberia): 41%
Jamhuuriyadda Kongo (Republic of the Congo): 39%
Ekuwadoor (Ecuador): 38%
Lesooto (Lesotho): 37%
Koonfur Afrika (South Africa): 35%
Botsoana (Botswana): 28% (Ka ugu hooseeya dunida).



